Golaha wasiiradda Puntland oo meelmariyay miisaaniyadda 2023

Golaha wasiiradda Puntland. [Isha Sawirka: Puntland State House]

Garoowe-(Puntland) Golaha wasiiradda Puntland ayaa meelmariyay miisaaniyadda 2023 kadib shir ay yeesheen maanta oo Khamiis ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxtooyadda.

Miisaaniyadda 2023 ayaa lagu qiyaasay $376 milyan, iyadoo uu jiro koror 6% marka loo eego tii 2022 oo ahayd $354 milyan.

Miisaaniyadda ayaa laga filayaa in ay ka soo xarooto dakhliga gudaha iyo mashaariicaha horumarineed ee haayadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Puntland. Ku dhawaad 60% miisaaniyadda ayaa ku baxda ammaanka iyadoo Puntland ay dagaal kula jirto ururada argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*