Ku dhawaad 200 oo askari oo ka goostay ciidanka Somaliland ee gobolka Sanaag

Ciidamo katirsan Somaliland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ku dhawaad 200 oo askari iyo taliyeyaashooda ayaa ka goostay ciidanka Somaliland ee gobolka Sanaag, sida ilo-wareedyo madax-banaan ay u xaqiijiyeen bog wareedka Puntland Mirror.

Ciidamadan goostay ayaa maamulka Somaliland u qaabilsanaa deegaano kuyaala gobolka Sanaag.

Saraakiisha hoggaaminayasa ciidanka goostay iyo taliyaha guud ee ciidamada maamulka Somaliland ayaa khilaaf weyn soo kala dhexgalay, taasoo sababtay goosashada, sida ilo-wareedku ay sheegeen.

Lama oga ilaa iyo hadda halka ay aadeen ciidanka goostay, oo wata gaadiidka dagaalka.

Arrintan ayaa imaanaysa iyada oo gobolka Sanaag asbuucyadii u dambeysay ay ka taagnayd xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland.

Dhawaan, ciidamo katirsan maamulka Somaliland ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday wefdi ka socda Puntland oo uu hoggaaminayay wasiirka waxbarashada. Ugu yaraan lix qof oo ka kala tirsan labada dhinac ayaa ku dhintay weerarkaas gaadmada ahaa oo ka dhacay deegaanka Damala-xagare ee gobolka Sanaag.

Hadda, magaalada Baran waxaa ku sugan masuuliyiin sare oo katirsan Puntland oo uu hoggaaminayo wasiirka amniga Cabdisamad Maxamed Galan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*