Kiiskii ugu horeeyay ee xanuunka Coronavirus oo la xaqiijiyay gudaha Soomaaliya

Baarista Coronavirus.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Kiiskii ugu horeeyay ee xanuunka Coronavirus ayaa la xaqiijiyay gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay wasiiradda caafimaadka Fowsiya Abuukar.

Qofka xauunka laga helay ayaa dhawaan kasoo laabtay dibada, waxaana hadda lagu hayaa meel gooni ah, wasiiradda ayaa intaas ku dartay.

Dhammaan duulimaadyada dalka dibadiisa ka imaanaya ayaa sidoo kale la xanibay laga bilaabo 18-ka Maarso si looga hortago xanuunka Coronavirus, sida uu sheegay wasiirka duulista Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*