Dadka deegaanka ayaa sheegay in labada dhinacba ay adeegsanayaan hubka culus iyadoo dhawaaqa qoryaha laga maqlayo guud ahaan magaalada.
Dagaalka cusub ee galabta ayaa daba socday dagaalo maalmihii lasoo dhaafay u dhaxeeyay labada dhinac.
Waxaa jira khasaare dagaalka ka dhashay, balse Puntland Mirror si madax-banaan uma faahfaahin karo khasaaraha.
Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay dagaalka u dhaxeeya ciidamada kala taageersan Puntland iyo Galmudug tan iyo markii uu qarxay bishii hore.