RW hore ee Britain David Cameron oo shaqada ka tagay

Camer
RW hore Britain iyo qoyskiisa oo ka tagay xafiiska iyo hoyga madaxtooyada kadib markuu wareejiyay xilka uu dhawaan iska-casilay. Sawirka: PA.

Raysulwasaaraha Britain David Cameron ayaa xilka ka tagay maanta oo Arabaco ah kadib markii dalkiisa uu ka baxay Midowga Yurub, afti dad weyne oo dhawaan la qabtay.

Cameron ayaa taageersanaa in dalkiisu uusan ka bixin Midowga Yurub balse waa laga adkaaday fikradiisii.

Wuxuu si rasmiya ugu gubiyay iscasilaadiisa boqorada Queen Elizabeth maanta gelinkii dambe wuxuuna xilka ku wareejiyay haweenayda badali doonta oo la dhaho Theresa May.

Cameron ayaa u sheegay wargeyska The Telegraph inuu rajaynayo inuu tagay “dalka oo xoogan, dhaqaale hagaagsan iyo fursado badan nolosha leedahay”.

Theresa May ayaa noqonaysa haweenaydii labaad oo RW ka noqota Britain kadib Margaret Thatcher.

Theresa ayaa la filayaa in ay dhawaan soo dhisto golaheeda cusub ee wasiirada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*