Ma jirto cid ka badbaaday burburka diyaarada Ethiopian Airlines

Gawaarida gurmadka deg dega ah oo tagay goobta ay diyaaradu ku burburtay. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Diyaarad rakaab oo ay lahayd shirkada Ethiopian Airlines ayaa burburtay, waxaana ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa oo dhan 157 qof.

Rakaabka ayaa ka soo jeeday 33 dal oo ay kamidyihiin Kenya, Itoobiya, Mareykan, Canada. France, Shiinays, Masar, Swedish, British, Holland, Hindi, Slovakian, Austrian, Russian, Moroccan, Spanish, Polish, iyo Israaiil, sida uu shir jaraaid ku sheegay madaxa shirkada Tewolde GebreMariam.

Diyaradda ayaa maanta oo Axad ah ku burburtay meel u dhow magaalada Bishoftu, oo 62 kiilomitir dhanka koonfur-bari kaga beegan caasimada Addis Ababa.

Diyaaradda ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha Bole ee Addis Ababa saacadu markii ay ahayd 8.38 am ee wakhtiga maxaliga ah.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa shaqeynaysay muddo lix bilood ah oo keliya.

Sida uu sheegay madaxa shirkada Ethiopian Airlines ma aysan jirin wax dhanka farsamada ah oo diyaarada heysatay sidoo kale duuliyaha ayaa lahaa khibrad duulimaad oo aad u wanaagsan.

Waxa sababay burburka diyaaradda ayaa weli la baarayaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*