Saddex askari oo Turki ah oo lagu dilay gudaha Suuriya weerar madfac oo ISIS geysatay

Taangiyada Turkiga.
Taangiyada Turkiga oo ka gudbay xadka Suuriya. Sawirka: Reuters.

Istanbul-(Puntland Mirror) Saddex kamid ah askarta Turkiga ayaa la dilay afar kalena waa la dhaawacay intii lagu guda jiray isku dhac dhexmaray dagaalyahanada ISIS ee waqooyiga dalka Suuriya, sida ay sheegeen ciidamada qalabka sida ee Turkiga.

Khasaaraha soo gaaray askarta Turkiga ayaa ah kii kowaad oo ISIS kasoo gaara tan iyo markii Turkiga uu howlgalka militari ku qaaday gudaha Suuriya labo asbuuc kahor.

Bayaan ay soo saareen shalay oo Talaado ahayd, ciidamada militariga Turkiga ayaa sheegay canaasiir kamid ah ISIS in ay bartilmaameedsadeen labo kamid ah taangiyadooda oo ay ku dhufteen madfac meel u dhow magaalada Rai ee gudaha Suuriya.

Ciidamada ayaa bayaanka ku sheegay in saddex kamid ah askartooda ay ku dhinteen weerarkaas.

Turkiga ayaa markii kowaad taangiyadiisu waxa ay ka gudbeen xadka Suuriya bishii lasoo dhaafy ee Agoosto, si ay ula dagaalamaan dagaalyahanada kooxda ISIS iyo xoogaga Kurdiyiinta ee ku sugan gudaha Suuriya, kuwaasoo sheegtay masuuliyada weeraradii ugu dambeeyay argagixiso oo dhiig badan ku daatay oo ka dhacay gudaha magaalooyinka Turkiga.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*