74 qof oo meyd muhaajiriin ah oo ku soo caariyay xeebaha dalka Libya

74 qof oo meyd muhaajiriin ah oo ku soo caariyay xeebaha dalka Libya. [Xigashada Sawirka: Red Crescent/Twitter]
74 qof oo meyd muhaajiriin ah oo ku soo caariyay xeebaha dalka Libya. [Xigashada Sawirka: Red Crescent/Twitter]
Tripoli-(Puntland Mirror) Haayada Bisha Cas ee Libya ayaa sheegtay in 74 qof oo muhaajiriin meyd ah ay ku soo caariyeen xeebta galbeed ee magaalo xeebeedka Zawiya ee badda Mediterranean.

Afhayeenka haayada Laanqayrta Cas Mohammed al-Misrati ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay in meydadku ay soo caariyeen subaxnimadii hore ee maanta oo Talaado ah.

Misrati ayaa sidoo kale sheegay in haaydaha maxaliga ah ay qaadi doonaan meydadka si loogu aaso gudaha magaalada caasimada dalka Libya ee Tripoli.

230 qof oo 74 maanta la helay aysan kamid ahayn, ayaa geeriyooday iyaga oo isku dayayay in ay ka talaabaan Badda Mediterranean si ay u gaaraan qaarada Yurub inta lagu guda jiray sanadkan 2017-ka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

In ka badan 4,500 dad ah ayaa ku naf waayay sanadkii lasoo dhaafay, kuwaasoo doonayay in ay ka gudbaan badda Mediterranean.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*