Safiirka Ruushka u fadhiyay gudaha Turkiga oo la toogtay

Sawirka waxaa ka muuqda ninka safiirka dilay oo daba taagan inta uusan dilin [Sawirka: Twitter]
Sawirka waxaa ka muuqda ninka safiirka dilay oo daba taagan inta uusan dilin [Sawirka: Twitter]
Ankara-(Puntland Mirror) Safiirka Ruushka u fadhiyay gudaha Turkiga ayaa lagu dilay weerar qori loo adeegsaday oo ka dhacay gudaha caasimada Turkiga ee Ankara, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibada Ruushka.

Andrey Karlov oo ahaa safiirka Ruushka ee Turkiga ayaa khudbad jeedinayay marka laga toogtay gadaal dhowr jeer galabta oo Isniin ah, sida ay ku warameen warbaahinata Turkiga.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada ee dalka Ruushka, Maria Zakharova ayaa dhimashada Andrey Karlov ka sheegtay bayaan laga sii daayay taleefishinka.

Ninka weerarka geystay ayaa ah 22-jir ciidamada booliiska kamid ahaa kasoo ka shaqeynayay gudaha caasimada Turkiga ee Ankara, sida uu sheegay duqa Ankara.

Kadib markii uu toogtay safiirka, ninka weerarka geystay ayaa soo istaagay meeshii uu ka khudbadaynayay safiirku, sida laga arkay muuqaal ay saxaafadu baahisay.

toogte
Sawirka waxaa ka muuqda ninka toogashada geystay oo dul taagan meydka safiirka. [Sawirka: Twitter]

Ninka toogashada geystay ayaa ka hadlay xaalada magaalada Aleppo ee dalka Suuriya, kadib markii uu falka geystay.

“Waxaanu ku dhimanay Aleppo, adiguna halkaan baa ku dhimanaysaa.” ayuu yiri ninka toogtay safiirkii Ruushka u fadhiyay gudaha Turkiga.

Wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu ayaa ku warantay in ciidamada ammaanka ay toogteen ninka weerarka geystay kadib markii uu dagaalamay.

Dilka ayaa imaanaya maalin kahor shir ay wasiiradda arrimaha dibada Turkiga, Ruushka iyo Iran ku yeelan lahaayeen magaalada Moscow si ay uga wada-hadlaan arrimaha Suuriya.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*