Waqooyiga Kuuriya oo wacad ku martay in ay iska difaaci doonto weerar kaga yimaada Mareykanka

Carl Vinson oo diyaaradaha qaada ayaa qayb ka ah ciidamada badda Mareykanka ee kusii jeeda Gacanka Kuuriya. [Sawirka: Archive]
Washington-(Puntland Mirror) Waqooyiga Kuuriya ayaa si adag u cambaareysay Mareykanka kadib markii taliska Mareykanka ee bad weynta Pacific-ka ay maraakiib dagaal u dhaqaajiyeen Gacanka Kuuriya asbuucii lasoo dhaafay.

Wasaaradda Arrimaha Dibada Waqooyiga Kuuriya, ayaa bayaan ay soo saartay oo maanta oo Talaado ah ay faafisay wakaalada wararka Waqooyiga Kuuriya ee KCNA ku sheegtay in kooxaha ciidamada badda ee duqaymaha hawada ee la geeyay gacankaas ay muujinayso “masuuliyad darro keenaysa farogelin gaarta weji xun.”

“Marna ma baryayno nabad balse waxaanu qaadaynaa ficil dhab ah oo adag oo ka dhan ah gardaro-wadayaasha si aanu nafteena uga difaacno ciidamada xooga badan una marno wadada ay nafteenu noo doortay,” afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibada Waqooyiga Kuuriya ayaa sidaa yiri.

“Waqooyiga Kuuriya waxay diyaar u tahay in ay ka falceliso nooc walba oo dagaal ah oo uu doortay Mareykanku.” Ayuu ku daray afhayeenku.

Sabtidii lasoo dhaafay, maraakiibta dagaalka Mareykanka, oo ay kamidyihiin Carl Vinson oo diyaaradaha qaada, labo gantaalada burburiya iyo mid gantaalada qaada ayaa joojiyay safar uu ku aadi lahaa Australia waxaana uu jihaystay dhanka Singapore si uu uga sii aado biyaha Kuuriya, taasoo qayb ka ah jawaabta Mareykanka ee gantaalo dhawaan ay tijaabisay Waqooyiga Kuuriya.

Waqooyiga Kuuriya ayaa wacad ku martay in ay kor u qaadi doonto difaacyadeeda asbuucii lasoo dhaafay si ay uga hor tagto weerar duqaymo ah sida kuwa uu amray Madaxweyne Donald Trump oo lala beegsaday saldhig milatari oo kuyaala gudaha Suuriya asbuucii lasoo dhaafay oo jawaab celin u ahaa weerar hub kiimiko ah oo lagu dilay 80 qof oo shacab ah oo ka dhacay gudaha Suuriya.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale walaac ka qabta in Waqooyiga Kuuriya ay rabto in ay ka shaqayso gantaalo isaga gudbi kara qaaradaha, kasoo gaari kara galbeedka Mareykanka.

Waqooyiga Kuuriya ayaa hadda qorsheynaysa in ay tijaabiso gantaalo dheeraad ah, sida ay sheegayaan khuburadu.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*