Dalka Mauritius oo 12 burcad-badeed Soomaali ah ku xukumay shan sanno oo xabsi ah

Somali piracy
Burcad-badeed Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaala dalka Mauritius.

Port Louis-(Puntland Mirror) Haaydaha garsoorka ee wadanka Mauritius ayaa maalintii Khamiista ee shalay xukun ku riday 12 burcad-badeed Soomaali ah.

Burcad-badeeda ayaa lagu eedeeyay in ay weerar ku qaadeen Markab xamuul oo marayay biyaha Badweynta Hindiya sanadkii 2013-kii, waxaana lagu xukumay shan sanno oo xabsi ah.

Kooxda burcada ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay wax yar kadib markii ay weerarka ku qaadeen markabka, ciidamada la dagaalanka burcadbadeeda ee jooga biyaha Badwenta Hindiya.

Nimanka burcad-badeeda Soomaalida ah ee la xukumay ayaa da’doodu waxay u dhaxaysaa 22-sanno ilaa iyo 47.

Intii uu socday xukunka garsooraha ayaa sheegay in saddex sanno oo hore oo ay xabsiga ku jireen laga saarayo wakhtigooda xabsiga.

Mauritius ayaa ah wadan jasiirad ah oo ku dhex yaala Badweynta Hindiya ee xeebta koonfur-bari qaarada Afrika.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*