Ammaanka magaalada Gaalkacyo oo soo hagaagaya

Magaalada Gaalkacyo. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa soo hagaagayay bilihii dhawaa ee la soo dhaafay kadib markii Dowladda Puntland ay ciidamo kala duwan ay geysay halkaas.

Ciidamada ayaa fashiliyay weeraro waxayna ay hoos u dhigeen khataro ka imaanaysay kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab kuwaasoo magaalada ka geystay dilal iyo qaraxyo sanadihii la soo dhaafay.

Qof katirsan dadka deegaanka, oo magaciisa codsaday in aan la sheegin ayaa bog wareedka Puntland Mirror u sheegay in xasilooni iyo amni laga dareemay magaalada muddadii ay ciidamada dowladda ay ka wadeen howlgalada.

Bishii May, guddoomiyihii gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah, oo ay masuuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab.

Horaantii bishii June, Ciidamada Difaaca Puntland ee PSF oo kaashanaya qeybta 21-aad ee ciidanka Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dilay madaxii maleeshiyada Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Mudug.

Dagaalka dadka mukhaadaraadka ka ganacsada

Ciidamada ayaa howlgalo ka dhan ah dadka mukhaadaraadka ka ganacsada sida khamrida ka fuliyay gudaha magaalada Gaalkacyo.

Dadka mukhaadaraadka ka ganacsada oo hubeysan ayaa dhibbaato amni oo weyn ku hayay magaalada sanadihii la soo dhaafay, sida ay sheegeen dadka degan Gaalkacyo.

Horaantii Agoosto, taliyihii ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland Cusmaan Cumar Maxamed ayaa ku dhintay howlgal ka dhan koox daroogada ka ganacstada kaasoo ka dhacay Xerada Kabista oo kutaala gudaha Gaalkacyo halkaasoo ay kooxda oo hubeysnayd ay ku iibin jireen khamriga.

Tirakoobka ciidamada

Guddiga dib u habaynta ciidamada Puntland ayaa bishii lasoo dhaafay magaalada Gaalkacyo ka bilaabay tirakoobka ciidamada oo la marinayo qaab casri oo lagu diiwaangelinayo xogta askari walba.

Guddiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyada Xasan Shire Abgaal ayaa tirakoobay dhammaan xeryaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee gobolka Mudug.

Wasiirka Maaliyada ayaa sheegay in tirakoobka kadib ay ciidamadu geli doonaan tababar kor loogu qaadayo tayadooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*