Is mariwaaga ciidan ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ee Tukaraq oo galay bishii afraad

Is mariwaaga ciidan ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ee Tukaraq oo galay bishii afraad. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Is mariwaaga ciidan ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ee Tukaraq ayaa hadda galaya bishiisii afraad.

Dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu doonayay in lagu qaboojiyo xiisada ayaa fashilmay, sida ilo-wareedyo ku dhow arrinta ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, labada maamul ee deriska ah ayaa ciidamo geynaya saldhigyadooda kuyaala deegaanka, taasoo muujineysa in dagaal uu suurtagalyahay wakhti walba.

Ismari waaga hadda jira ayaa bilaabmay, markii ciidamo hubeysan oo ka socda Somaliland ay bishii Janaayo ee sanadkan la wareegeen tuulada Tukaraq ee gobolka Sool, taasoo 80 km dhanka waqooyiga ka jirta Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*