Qaramada Midoobay oo sheegtay in ka badan 7,250 qof si khasab ah looga barakiciyay Laascaanood

Qof naafo ah oo kamid ah dadka khasabka Laascaanood looga soo saaray. [Isha Sawirka: Dowladda Hoose ee Gaalkacyo]
Garoowe-(Puntland Mirror) In ka badan 7,250 qof ayaa si khasab ah uga barakacay magaalada Laascaanood iyo deegaamada ku hareeraysan, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-xirka Arrimaha Gargaarka (UNOCHA).

In ka badan 3,300 oo ka barakacay Laascaanood ayaa gaaray Gaalkacyo ilaa 2-dii October markii uu bilaabmay barakicinta xooga ah, 986 iyaga kamid ah waxay u gudbeen maamulka Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Banaadir, UNOCHA ayaa intaas ku dartay.

Barakicinta xooga ah ayaa dhibbaato ku keentay qoysaska sida in qoysas ay is-waayeen iyo hanti lumid, sida ay sheegtay UNOCHA.

Dadkaan oo u badnaa rayid ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya ayaa maamulka Somaliland si Khasab ah ay uga saareen magaalada Laascaanood, waxaana soo dhaweyn iyo gacan u fidiyay Puntland gaar ahaan maamulka magaalada Gaalkacyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*