Masuul katirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya oo eedaymo musuqmaasuq loogu xiray Muqdisho

Ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Masuul katirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa lagu xiray Muqdisho maanta oo Khamiis ah kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq, sida ay ku warantay idaacada dowladda ee Radio Muqdisho, oo soo xiganaysa saraakiil dowladda katirsan.

Agaasimaha waaxda dib-u-dejinta, Daahir Maxamed Nuur, ayaa loo heystaa in uu xaday lacag dhan $84,000 dollar, sida ay sheegtay Radio Muqdisho.

Dowladda hadda jirta ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilligii ololaha balanqaaday in ay la dagaalami doonto musuqmaasuqa, oo Soomaaliya sanadihii u dambeeyay geliyay wadanka kowaad ee adduunka, sida lagu sheegay qiimeyn sanadeedka haayada Transparency International.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*