Saddex qof oo ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay gudaha Boosaaso

Gaariga oo burburshay makhaayada. [Sawirka: Facebook]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii gaari uu burburshay makhaayad kutaala gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso maanta oo Khamiis ah, sida goobjooge uu u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

“Gaariga oo xawli ku soconaya ayaa wadada ka baxay waxaana uu gudaha u galay makhaayad ku dhow huteel Ramaada ee magaalada Boosaaso saakay oo Khamiis ah,” goobjoogaha ayaa sidaa yiri.

Gaariga shilka galay ayaa ahaa Toyota Probox. Labo kamid ah dadka ku dhaawacmay oo xaaladoodu liidato ayaa loola cararay isbitaalka, sida goobjooguhu sheegay.

Sanadkii 2017-kii, 358 qof ayaa ku geeriyooday shilal gaari oo ka dhacay gudaha Puntland, laanta booliiska ee nabadgelyada waddooyinka Puntland ayaa warbixin ku sheegtay ay sii deysay horaantii sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*