Taliyihii ciidanka ilaalada madaxtooyada PL oo ku dhintay howlgal ka dhan koox daroogada ka ganacsata

Cusmaan Cumar Maxamed. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Taliyihii ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland Cusmaan Cumar Maxamed ayaa ku dhintay howlgal ka dhan koox daroogada ka ganacstada kaasoo ka dhacay magaalada Gaalkacyo maanta oo Axad ah, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Holwgalka oo xalay saq dhexe ay ciidamadu qaadeen ayaa ka dhacay xerada Kabista oo kutaala gudaha Gaalkacyo halkaasoo ay kooxda hubeysan ku iibin jireen khamriga.

Mid kamid ilaalada taliyaha ayaa sidoo kale ku dhintay howlgalka, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay ilaa sideed qof oo katirsan kooxda, sidoo kale waxay qabteen khamri, hub fudud sida AK-47 iyo baabuur.

Taliyaha dhintay Cusmaan Cumar Maxamed oo loo yaqiin Cusmaan Itoobiyaan ayaa dhawaan xilka la wareegay kadib markii taliyihii hore ee ilaalada madaxtooyada Puntland uu is-casilay.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid taliyaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.

“Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay Alle ha u naxariistee Marxuum G.Sare Cismaan Cumar Maxamed in uu ahaa shakhsi wanaagsan oo shaqo yaqaan ah, sarkaal daacad ah oo ku wanaagsan hogaaminta ciidanka, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka reer Puntland, ciidamada Qalabka sida, kuwa Madaxtooyada, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*