Guddoomiyihii gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Gaalkacyo

Axmed Muuse Nuur. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo maanta oo Axad ah ka dhacay magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen haayadaha ammaanka.

Guddoomiyaha ayaa nin isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay xilli uu ka baxayay xafiiskiisa Gaalkacyo, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Ilaa iyo labbo kamid ah ilaaldiisa ayaa ku geeriyootay weerarka, ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay tabisay Idaacada Andalus oo taageerta maleeshiyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*