Madaxweyne Farmaajo oo wadahadal la yeelan doono madaxda Puntland iyo Jubbaland

Madaxweyne Farmaajo. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa maanta oo Arbaco ah in uu wadahadal la yeelan doono Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka ag dhow dowladda.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo ah labo dowlad goboleedyo oo saameyn leh ayaa shalay tagay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kulanka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa looga hadli doonaa arrimo kala duwan oo intooda badan ay quseeyaan doorashooyinka soo socda ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*