Wasiirkii Deegaanka Puntland oo coronavirus u geeriyooday

Ismaaciil Diiriye Gamadiid. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada Dowladda Puntland ayaa u geeriyooday xanuunka coronavirus.

Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa ku dhintay isbitaal kuyaala Muqdisho saacadii hore maanta oo Isniin ah, sida wasaaraddu ay ku sheegtay boggeeda Facebook.

Gamadiid iyo masuuliyiin kale oo katirsan Puntland ayaa fayruska laga helay horaantii May, balse isaga ayaa asbuucii la soo dhaafay loo qaaday Muqdisho si daaweyn dheeri ah loogu helo kadib markii xaaladiisa caafimaad ay xumaatay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida wasiirka.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada, ayaa Madaxweyne Deni ku sheegay in Gamadiid uu kamid ahaa xubnaha golaha wasiiradda ee shaqada fiican qabtay.

Maamulka Puntland ayaa ilaa iyo hadda diiwaangeliyay 163 kiis oo xanuunka coronavirus ah, halka dalka kiisaskiisa guud ay gaartay 1,594 iyo 61 dhimasho ah, sida ay sheegayso xogta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*