Madaxweynaha Puntland oo isbadal ku sameeyay golihiisa wasiiradda

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa isbadal ku sameeyay golihiisa wasiiradda fiidnimadii Jimcada.

Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka badda Faarax Cawaash iyo wasiirka warfaafinta Cali Sabaray.

Deni ayaa sidoo kale shaqada ka ceyriyay wasiir ku xigeenada, maaliyada, amniga, tamarta iyo macdanta, deegaanka iyo beeraha, qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah iyo shaqada iyo dhalinyarada, sida lagu sheegay digreeto ka soo baxday madaxtooyada.

Isku badalkan wasiiradda ayaa ah kii ugu horeeyay oo Madaxweynuhu sameeyo tan iyo markii uu qabtay xafiiska bishii Janaayo 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*