Madaxweynaha dalka Eriteeriya Isaias Afwerki oo safarkiisii ugu horeeyay ee Soomaaliya ku yimid Muqdisho

Madaxweyne Farmaajo oo Afwerki kusoo dhaweynaya Muqdisho. [Isha sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Eriteeriya Isaias Afwerki ayaa maanta oo Khamiis ah safarkiisii ugu horeeyay ee Soomaaliya ku yimid Muqdisho.

Madaxweynaha Eriteeriya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ammaanka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay maanta iyada oo inta badan waddooyinka la xiray.

Afwerki ayaa ka qeybgali doona shirka saddex-geesoodka ah ee iskaashiga dhaqaalaha oo u dhaxeeya Soomaaliya, Itoobiya iyo Eriteeriya.

Shirka ayaa ka dhici doona Muqdisho iyadoo shirarkii ka horeeyay lagu qabtay dalalka Eriteeriya iyo Itoobiya.

Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isna la filayaa in uu soo gaaro Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*