18 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay meel u dhow Kismaayo

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawirka[
Kismaayo-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay qaadeen duqen ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya, waxaana lagu dilay 18 dagaalyahan.

Weerarka ayaa ka dhacay meel qiyaastii 50 kiiloomitir dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay bayaan ku sheegeen taliska Mareykanka ee Afrika maanta oo Sabti ah.

Tani waa duqeyntii shanaad oo ka dhan ah Al-Shabaab intii lagu guda jiray bishaan September, oo uu Mareykanku qaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*