73 kiis oo cusub oo coronavirus ah oo laga helay Soomaaliya

Coronavirus.

Muqdisho-(Puntland Mirror) 73 kiis oo cusub oo coronavirus ah ayaa laga helay gudaha dalka 24-saac ee la soo dhaafay, sida Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay war-saxaafadeed xalay fiidkii.

Hal qof ayaa xanuunka u geeriyooday 24-saac ee la soo dhaafay, sida ay wasaaraddu sheegtay.

Iyadoo maanta ay tahay Talaado, tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee laga helay gudaha Soomaaliya waa 237, sideed dhimasho ah, iyo labo qof oo ka bogsaday.

Xanuunka ayaa si tar-tartiib ah ugu faafaya bulshada dhexdeeda, iyadoo awaamiirta maamuladu soo rogeen oo ay kamid tahay joogista guryaha aysan shaqeynayn sababtoo ah dadka intiisa badan ayaa kunool gunnooyinka  ay maalintii soo shaqeystaan.

Dhanka Puntland, masuuliyiinta dowladda ayaa sheegay in aysan jirin wax kiis ah oo la helay 24-saac ee la soo dhaafay marka laga reebo halkii kiis oo hore, balse ay jiraan dad la baaray oo natiijadooda la sugayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*