Madaxweyne Deni: Marna ogolaan mayno natiijo walba oo ka soo baxda wadahadal lala galo Somaliland oo Puntland aysan qeyb ka ahayn

Madaxweyne Deni, Garoowe, June 15, 2020. [Isha Sawirka: Puntland State House.]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in aysan marna ogolaan doonin natiijo walba oo ka soo baxda wadahadal lala galo maamulka Somaliland.

Isaga oo ka hadlayay kalfadhiga 46-aad ee baarlamaanka Puntland oo maanta oo Isniin ah ka furmay Garoowe, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in wadahadalaas ay saameyn ku leeyihiin dhulka Puntland.

“Sida aan horey u cadeynayn Puntland waxay soo dhaweynaysaa wax kasta oo aan wax u dhimmeyn madaxbanaanida Dowladda Soomaaliya iyo xuduudaha dowladda Puntland,” ayuu yiri.

“Waxaan cadeynaynaa in aan marna ogolaan doonin natiijo ka soo baxda wadahadal kasta oo lala galo maamulka Somaliland oo Puntland aysan qeyb ka ahayn.” ayuu ku sii daray.

Madaxweyanaha ayaa sheegay in Puntland uu kala dhaxeeyo maamulka Somaliland khilaaf dhuleed taasoo u baahan in laga gaaro xal waara si looga fogaado colaad jiidanta oo dhiig badan ku daato.

Wadahadalada Somaliland

Masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Isniintii dalka Jabuuti kulan kula yeeshay masuuliyiin ka socday maamulka Somaliland oo uu kamid ahaa hoggaamiyaha maamulkaas Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka oo ay dabada ka riixayeen Mareykanka iyo Itoobiya ayaa socday hal maalin, iyadoo labada dhinac ay si toos isku hor fariisteen.

Sida ay sheegeen khuburada falanqeeya siyaasadda, kulanka ayaa u muuqaday in uu fashilmay ku dhammaatay kadib markii bilowgii la isku fahmi waayay qodobo taabanaya kala fikir duwanaanshaha labada dhinac.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirka ayaan lagu sheegin wax heshiis ah oo la isku afgartay marka laga reebo in la sheegay in guddiyo farsamo oo ka socda labada dhinac la sameeyo.

Dhowr wadahadal oo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa fashilmaay sanadihii la soo dhaafay.

Maamulka Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’een Soomaaliya horaantii 1990 kadib markii dalka uu ka qarxay dagaalkii sokeeye, balse tan iyo xilligaas wax aqoonsi ah ma ay helin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*