Agaasimihii Ciidamada PSF oo iclaamiyay in uu u tartamayo madaxweynenimada Puntland

Asad Cusmaan Cabdullaahi, sawir laga qaaday December 1, 2018. [Isha sawirka: facebook]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Agaasimihii Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa iclaamiyay qorshihiisa uu ku rabo in uu u tartamo madaxweynenimada Puntland.

Xaflad lagu qabtay magaalada Boosaaso maanta oo Sabti ah, Asad ayaa sheegay in uu diirada saari doono arrimaha ammaanka, la dagaalanka musuqmaasuqa, iyo horumarka.

Waxa uu intaas ku daray in uu Puntland gaarsiin doono nidaamka doorashada hal qof iyo hal cod kadib markii maamuladii hore ku fashilmeen.

Asad si rasmi ah uma uusan sheegin haddii uu iska casilay booska, balse ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in walaalkiis uu sii ahaan doono agaasimaha kumeelgaarka ah ee PSF.

Waxa uu ku biiri doonaa in ka badan tobaneeyo musharax oo u tartamaya madaxtinimada Puntland 2019.

Waa kuma Asad?

  • Waxaa la qiyaasay in uu dhashay 1980
  • Waxa uu wax ka bartay jaamacad kutaala dalka Hidiya
  • Sanadkii 2010 waxa uu noqday agaasimaha Ciidamada Ammaanka Puntland (PSF)
  • Waxaa la tixgeliyaa in uu yahay nin ixtiraam badan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*