Labada madaxweyne ayaa isku raacay in la sameeyo xabada joojin deg deg ah, sida ilo-wareed ku dhow madaxweynaha Puntland ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.
Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay in ka badan 50 kalena waa lagu dhaawacay intii ay socdeen isku-dhacyo u dhaxeeyay ciidamo kala taageersan Puntland iyo Galmudug oo ka dhacay Gaalkacyo.
Ku dhawaad 50,000 oo dadka deegaanka ah ayaa ka cararay guryahooda tan iyo markii uu qarxay dagaalka Gaalkacyo bishaan Oktoobar ee sanadkan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.
Be the first to comment