Ugu yaraan labo qof oo ku dhimatay weerar is-qarxin ah oo maleeshiyada Xuutiyiinta ay la beegsadeen markab dagaal oo Sucuudigu lahaa

Ugu yaraan labo qof oo ku dhimatay weerar is-qarxin ah oo maleeshiyada Xuutiyiinta ay la beegsadeen markab dagaal oo Sucuudigu lahaa. [Sawirka: Twitter]
Ugu yaraan labo qof oo ku dhimatay weerar is-qarxin ah oo maleeshiyada Xuutiyiinta ay la beegsadeen markab dagaal oo Sucuudigu lahaa. [Sawirka: Twitter]
Riyadh-(Puntland Mirror) Labo bad-maax ayaa geeriyooday kadib markii maleeshiyaad Shiico ah ay weerar is-qarxin ah ku qaadeen Markab dagaal oo Sucuudigu lahaa oo ilaalo ka hayay Badda Cas, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga Sucuudiga.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalo xeebeedka Xudeydiya ee kutaala dalka Yeman shalay oo Isniin ahayd.

Maleeshiyada weerarka geysatay ayaa qaraxa u adeegsaday dooni laga buuxiyay walxaha qarxa oo lagu dhuftay markabka, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Saddex qof ayaa sidoo kale ku dhaawcmay weerarka.

Warbaahinta ku hadasha afka maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay ka dambeeyeen weerarkaas lala beegsaday markabka Sucuudiga.

Bartamihii sanadkii 2014-kii, Xuutiyiinta ayaa la wareegay caasimada dalka Yeman ee Sanca, iyaga oo ku khasbay masuuliyiinta sare ee dowladda Yeman ee caalamku taageersanyahay in ay u cararaan dalka Sucuudi Caraabiya.

Isla sanadkaas, Sucuudiga iyo xulufadiisa Carabta ayaa bilaabay weerar dhanka cirka ah oo ujeedadiisu ahaa dib u riixida maleeshiyada Xuutiyiinyta.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*