Dood madaxeedkii Soomaaliya oo fashilantay kadib markii musharixiintu diideen in ay ka qaybgalaan

Dood madaxeedkii Soomaaliya oo fashilantay kadib markii musharixiintu diideen in ay ka qaybgalaan. [Graphic: Puntland Mirror]
Dood madaxeedkii Soomaaliya oo fashilantay kadib markii musharixiintu diideen in ay ka qaybgalaan. [Graphic: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa diiday in ay ka qaybgalaan dooda madaxweynaha, taasoo la qorsheeyay in maanta oo Talaado ah lagu qabto gudaha Muqdisho.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan, dooda ayaa fashilantay kadib markii loo doortay in uu dhex-dhexaadiyo taleefishinka dowladda ee SNTV.

Ilaa iyo 24 musharixiin madaxweyne ah oo uu kamidyahay madaxweynaha hadda xafiiska jooga ayaa la filayay in ay ka qaybgalaan dooda.

Dowladda ayaa u diiday warbaahinta madaxa-banaan in ay ka qaybgasho dooda, taasoo keentay in musharixiintu ay ka baxaan dooda, sida ay xaqiijinayaan wararku.

Dadka Soomaaliyeed ayaa ka rajo qabay in ay daawadaan doodii kowaad oo madaxweyne, balse nasiib-daro waa dhicisowday.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo qorsheeyya 8-da Febaraayo in ay dhacdo.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*