Donald Trump: qorshaha siyaasadda arrimaha dibada ee Hillary Clinton waxay bilaabi doontaa Dagaalka Saddexaad ee Aduunka

Murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump. [Sawirka: AP]
Murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump. [Sawirka: AP]
Washington-(Puntland Mirror) Murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa sheegay in qorshaha siyaasada Hillary Clinton ee gudaha dalka Suuriya uu sababi karo Dagaalka Saddexaad ee Aduunka.

Waxaa uu sheegay in Maraykanka uu diirada saaro garaacida waxa loogu yeero ISIS halka uu ka door bidayo in madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad uu xilka ka dego.

“Waxaad doonaysaa in aad ku dhamaysid Dagaalka Saddexaad ee Aduunka dusha Suuriya haddii aanu dhageysano Hillary Clinton,” ayuu yiri Mr Trump.

Mrs Clinton ayaa soo jeedinaysa in hawada Suuriya laga sameeyo aag ka caagan duulimaadyada, taasoo dadka qaar ay leeyihiin waxay colaad ku keeni kartaa diyaaradaha Ruushka.

Mr Trump ayaa sidoo kale weeraray xisbiga Jamhuuriga isaga oo sheegay in aysan u midaysnayn musharaxnimadiisa.

“Haddii aanu haysano xisbi midaysan, ma lumin doono doorashadaan,” ayuu Trump u sheegay wakaalada wararka Reuters.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*