Waaxda arrimaha dibada Maraykanka oo amartay qoysaska shaqaalaha qunsuliyada Maraykanka in ay ka tagaan Turkiga

state-department
Dhismaha waaxda arrimaha dibada Maraykanka. [Sawirka: AP]
Istanbul-(Puntland Mirror) Xubnaha qoyska ee shaqaalaha qunsuliyada Maraykanka ee Istanbul ayaa lagu amray in ay ka tagaan dalka Turkiga, sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibada ee Maraykanka, oo soo xiganaysa khataro lidi ku ah muwaadiniinta Maraykanka.

“Waaxda arrimaha dibada waxay go’aankan u gaartay kadib markii ay heshay macluumaad tilmaamaya in kooxo xagjiriin ah ay doonayaan in ay weeraro la eegtaan meelaha ay ka joogaan muwaadiniinta Maraykanka magaalada Istanbul,” waaxda arrimaha dibada ayaa sidaa ku tiri bayaan maanta oo Axad ah.

Qunsuliyada Maraykanka ee Istanbul ayaa wali sii furnaan doonta, sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibada, iyadoo intaas ku dartay in amarka uusan saamayn doonin cid walba oo ah diblomaasi Maraykan ah oo xarumo ku leh Turkiga.

Waaxda arrimaha dibada Maraykanka ayaa sidoo kale kula talisay muwaadiniinteeda in ay ka fogaadaan in ay u safraan koonfurta-bari ee Turkiga waxayna ka digeen khatarta u safrida meel kasta oo Turkiga ah.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*