Mareykanka oo weerar gantaalo ah ku qaaday Suuriya

Markab dagaal oo ay leeyihiin Mareykanku ayaa badda Mediterranean ka riday konton iyo sagaal gantaalada loo yaqaan Tomahawk cruise. [Sawirka: Twitter]
Washington-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa qaaday weerar gantaalo ah oo ka dhan ah saldhig ciidanka cirka Suuriya ay leeyihiin iyadoo laga jawaab celinayo wax looga shaki qabo weerar kiimiko oo dhawaan uu gudaha Suuriya ka geystay rajiimka Suuriya.

Markab dagaal oo ay leeyihiin Mareykanku ayaa badda Mediterranean ka riday konton iyo sagaal gantaalada loo yaqaan Tomahawk cruise.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ay madaafiicda ku dhufteen saldhig kaasoo ay dowladda Suuriya ka qaaday weerarkii hubka kiimikada loo adeegsaday ee dhacay Talaadadii lasoo dhaafay.

Ruushka oo taageero siiya dowladda Suuriya, ayaa cambaareeyay duqaynta Mareykanka.

Dmitry Peskov, oo ah afhayeenka madaxweyne Vladimir Putin, ayaa ku tilmaamay weerarka “fal dagaal gardaro ah bilaabaya oo ka dhan ah madaxbanaanida dalka”.

Mareykanku ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqaynta, balse guddoomiyaha gobolka Xumus ee Suuriya ayaa sheegay in ay jiraan dhimasho iyadoo qaybo kamid ah saldhiga uu dab qabsaday.

Weerarka ayaa imaanaya maalmo yar kadib markii tobonaan shacab ah, oo ay ku jiraan caruur badan, ay ku dhinteen weerar duqayn ah oo ay qaaday xukuumada Madaxweyne Bashaar Al-asad, weerarka oo ka dhacay magaalada Khan Sheikhoun  ee gobolka Idlib ayaa looga shaki qabaa in loo adeegsaday waxyaabo kiimiko ah.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*