Diyaaradaha dagaalka Ruushka oo si aan kas ahayn duqeyn ugu dilay saddex askari oo Turki ah gudaha Suuriya

Diyaaradaha dagaalka Ruushka oo si aan kas ahayn duqeyn ugu dilay saddex askari oo Turki ah gudaha Suuriya. [Sawirka: Archive]
Diyaaradaha dagaalka Ruushka oo si aan kas ahayn duqeyn ugu dilay saddex askari oo Turki ah gudaha Suuriya. [Sawirka: Archive]
Ankara-(Puntland Mirror) Saddex kamid ah ciidamada Turkiga ayaa si aan kas ahayn ugu dhintay duqaymo ay diyaaradaha Ruushku ka geysteen gobolka Al-Bab ee waqooyiga dalka Suuriya, duqaynta ayaa loola dan lahaa maleeshiyada ISIS, sida ay sheegeen milatariga Turkigu maanta oo Khamiis ah.

Taliyaha ciidamada Turkiga Hulusi Akar ayaa sheegay in 11 askari ay sidoo kale ku dhaawacmeen markii diyaaraduhu si aan kas ahayn u duqeeyeen dhisme ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Turkiga.

Taliyaha ayaa sheegay in shilku uu dhacay maanta oo Khamiis ah.

Askartii dhaawacantay ayaa si deg deg ah loogu qaaday isbitaalka.

Khadka taleefoonka oo uu kula hadlay Madaxweyne, Recep Tayyip Erdogan, dhiggiisa Turkiga Vladimir Putin ayaa ka tacsiyeeyay dilkaas, sida ay bayaan ku sheegtay madaxtooyada Ruushka maanta oo Khamiis ah.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada hoggaamiye ay isku raaceen in la sameeyo wada-shaqayn milatari marka la sameynayo howlgalada ka dhanka ah maleeshiyada ISIS iyo ururada kale ee xagjiriinta ah ee ku sugan gudaha Suuriya.

Gobolka Al-Bab oo duqeyntu ka dhacday ayaa u dhow xadka koonfureed ee Suuriya la leedahay Turkiga.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*