Ugu yaraan 50 qof oo ku dhimatay toogasho ka dhacday baar lagu caweeyo oo ku yaala Maraykanka

Konton qof ayaa la ogyahay ilaa iyo hadda in ay ku dhinteen toogasho Sabtidii ka dhacday baar ragga isu-tagga oo ku yaala magaalada Orlando, ee gobolka Florida, Maraykanka sidoo kalena waxaa lagu dhawaaqay xaalad deg deg ah, sida uu sheegay duqa magaalada Orland Buddy Dyer.

Ninka hubaysan ayaa si rasmiya magaciisa loogu sheegay Cumar Matiin waxaana la dilay markii laga sii daayay dadkii uu afduubashada u haystay.

53-kale oo qof ayaa ku dhaawacantay toogashada ka dhacday baarka Pulse.

Waa toogashadii ugu xumayd ilaa iyo taariikhda dhow ee dalka Maraykanka. Ciidanka booliska ayaa ku qeexay fal argagixiso.

Saraakiisha ayaa sheegay in dilidu ay u badantahay in ay tahay mid afkaarnimo ah, inkastoo aysan jirin macluumaad muujinaya in ninka qoriga watay uu xiriir la lahaa kooxo gaar ah.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*