Uganda Airlines oo dib u bilowday adeegyadii duulimaadyada 20 sanno kadib

Labo diyaaradood oo noocoodu yahay CRJ900 oo fadhiya garoonka diyaaradaha ee Kampala. [Isha Sawirka: Nicholas Bamulanzeki/AFP via Getty Images]
Kampala-(Puntland Mirror) Diyaaradda Uganda ayaa shalay oo Talaado ahayd dib u bilowday adeegyadii duulimaadyada, iyada oo safar ku tagtay dalka deriska ah ee Kenya.

Diyaaradda oo ay dowladdu leedahay ayaa la bilaabay sanadkii 1976 xilligii madaxweye Idi Amin, balse waxay shaqada joojisay sanadkii 2001.

Waxaa u qorshaysan in ay duulimaadyo ku tagto magaalooyinka Kenya, Tanzania, Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya, sida ay sheegeen masuuliyiinta diyaaradda.

Diyaaradda ayaa shaqada ku bilowday labo diyaaradood oo noocoodu yahay CRJ900 oo bishii April ka yimid shirkada diyaaradaha samaysa ee Bombardier ee dalka Canada. Labo diyaaradood ka badan ayaa la filayaa bisha soo socota.

Diyaarad walba ayaa waxaa ku baxday kharash dhan $27 milyan, oo ay maalgelisay dowladda Uganda.

Waxay tartan la geli doontaa Ethiopian Airlines oo gobolka ugu balaaran.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*