Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak oo lix sanno kadib helay xoriyadiisa

Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak oo lix sanno kadib helay xoriyadiisa. [Sawirka: Archive]
Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak oo lix sanno kadib helay xoriyadiisa. [Sawirka: Archive]
Qaahiro-(Puntland Mirror) Xusni Mubaarak, oo ahaa madaxweynihii Masar ee awooda laga tuuray sanadkii 2011-kii, sidoo kalena ahaa hoggaamiyihii kowaad ee wajaha maxkamad kadib kacdoonkii Guga Carabta ee maasheeyay hoggaamiyaal badan oo in badan talinayay, ayaa maanta oo Jimce ah markii kowaad muddo lix sanno ah si xoriyad leh u lugeeyay, sida uu sheegay garsoorihiisu.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters oo soo xiganaysa garsooraha, Mubaarak ayaa ka tagay isbitaalka milatariga ee Maadi hakaas oo uu ku xirnaa, waxaana uu aaday gurigiisa oo kuyaala Heliopolis.

Maxkamada sare ee rafcaanka ayaa Mubaarak dambi la’aan ka dhigtay bilowgii bishaan kadib markii lagu eedeeyay dilal loo geystay dad banaanbaxayay intii lagu guda jiray kacdoonii lagu soo afjaray xukunkiisii 30-ka sanno ee dalka Masar.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*