Haweenka Turkiga ee katirsan ciidamada oo loo ogolaaday xirashada xijaabka

Haweenka Turkiga ee katirsan ciidamada oo loo ogolaaday xirashada xijaabka. [Sawirka: Archive]
Haweenka Turkiga ee katirsan ciidamada oo loo ogolaaday xirashada xijaabka. [Sawirka: Archive]
Ankara-(Puntland Mirror) Haweenka Turkiga ee katirsan ciidamada ayaa loo ogolaanayaa in ay xirtaan xijaabka markii ugu horeysay, sida lagu sheegay xeer kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga dalka Turkiga maanta oo Arbaco ah.

Xeerka cusub ee ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ayaa u ogolaanaya haweenka askarta ah in ay xijaabka ka hoos xiran karaan koofiyadahooda iyo dharkooda waa haddii ay isku midab yihiin.

Xisbiga talada haya (AKP) oo uu wax ka asaasay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo ay asal u tahay diinta suuban ee Islaamka ayaa muddo dadaal ugu jiray sidii xanibaada looga qaadi lahaa in haweenku ay xirtaan xijaabka, taasoo horey mamnuuc uga ahayd Turkiga.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*