Kumanaan ka banaan-baxay guusha Trump gudaha Mareykanka

Guushii Donald Trump oo horseeday in banaan-baxyo ay ka dhacaan Mareykanka oo dhan. [Sawirka: NBC News]
Washington-(Puntland Mirror) Kumanaan dad ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka dhowr magaalo oo kuyaala Mareykanka si ay uga banaan-baxaan guusha la yaabka leh ee Donald Trump ee uu ka gaaray doorashada madaxtinimada Mareykanka, iyaga oo cambaareynaya hadaladiisa ku aadan dadka soo galootiga ah, Muslimiinta iyo kooxo kale.

Arbacadii fiidkeedii, kumanaan banaan-baxayaal ah ayaa kusooo xoomay wadooyinka Manhattan iyo New York City. Dadka qaar baa gubay calanka Mareykanka ilaa ay ka gaareen dhismaha Trump iyagoo qaarkood ay ku heeseen, “Maahan madaxweynahayaga.”

Si kastoo ay ahaataba markii la doortay kadib Donald Trump ayaa khudbadii uu jeediyay ku sheegay in uu yahay madaxweynaha dhammaan Mareykanka isagoo sheegay: “Waa wakhtigii aynu wadajiri lahayn sida dad midaysan.”

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*