Diyaaradaha dagaalka ee Kenya. [Sawirka: Reuters]Muqdisho-(Puntland Mirror) Diyaarado milatari oo looga shaki qabo kuwa Kenya ayaa weerar duqayn ah ka geystay koonfurta Soomaaliya, iyaga oo bartilmaameedsaday saldhig tababar oo kooxda Al-Shabaab ku leedahay gobolka Jubbada Dhexe, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.
Diyaaradaha ayaa duqeeyay deegaanka Maaleyda oo u dhaxeeya magaalooyinka Jilib iyo Buu’aale, halkaas oo ay Al-Shabaab ku leedahay saldhigyo tababar oo ay ku tababarto dagaalyahano.
Sida ay ilo-wareedyada sheegayaan dhowr maleeshiyaad ah ayaa ku dhimatay duqaynta.
Ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyada weerarkaas duqaynta ah, balse diyaaradaha dagaalka ee dalka dariska ah ayaa horey gobolada Jubbooyinka uga geystay weeraro kan lamid ah.
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.
Be the first to comment