Hilary Clinton oo gaartay tirada looga baahanyahay in Dimuqraadiga ugu magacaabo musharax Madaxweyne

Washington-(Puntland Mirror) Hillary Clinton ayaa la sheegayaa inay heshay tirada ergada laga rabay si ay u noqoto musharaxa xisbiga dimuquraadiga ee Madaxweyaha Maraykanka.

Mrs Clinton ayaa hadda noqoneysa musharaxa doorashada November dhici doonta uga qeybgalaya xisbiga dimuquraadiga.

Tirada ayey ka heshay tiro ay haysay wakaaladda wararka AP, waxaana u weheliyay taageero ay ka heshay ergada gaarka ah.

Ergadaasi waxa ay yihiin kuwa madaxbanaan oo taageero siiyo musharrixii ay doonaan.

Warkan ayaa soo baxay ka hor loolanka lix gobol ka dhicidoona maanta Mareykanka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*