Talyaaniga oo 6,500 muhaajiriin ah ka badbaadshay badda Mediterranean

Badda
Muhaajiriinta laga soo badbaadshay badda Mediterranean. Sawirka: AP.

Rome-(Puntland Mirror) Ku dhawaad 6,500 oo qaxooti iyo muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadshay xeebaha Libya shalay oo Isniin ahayd.

Ciidamada ilaalada badda Talyaaniga ayaa dadkaas oo la aaminsanyahay in ay ka yimaadeen Soomaaliya iyo Eriteeriya badbaadshay.

Labo ilmood oo mataano ah oo shan beri jir ah ayaa kamid ah kuwa laga soo badbaadshay badda Mediterranean-ka, waxaana loo duuliyay isbitaal kuyaala dalka Talyaaniga, sida ay sheegtay dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF oo qayb ka ahaa howlgalka badbaadinta.

Xog ay siidaysay maalintii Jimcadii lasoo dhaafay haayada IOM waxay sheegtay in ka badan 100,000 oo muhaajiriin iyo qaxooti ah in ay doonyo kusoo gaareen dalka Talyaaniga sanadkan, iyagoo intooda badan ay kasoo baxeen dalka Libya.

Dad lagu qiyaasay 2,726 oo isugu jira niman, haween iyo caruur ayaa ku dhimatay badda Mediterranean-ka sanadadii u dambeeyay iyagoo ku jiray safar.

Talyaaniga ayaa noqday wadanka jiida hore uga jira dhibaatada qaxootiyaasha ee ka taagan dalalka qaarada Yurub.

In ka badan 400,000 oo muhaajiriin ah ayaa safaro doonyo ah ku tagay dalka Talyaaniga iyagoo ka baxay Waqooyiga Afrika tan iyo bilowgii sanadkii 2014, iyagoo ka cararaya dagaalo iyo fakhri.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*