Ugu yaraan shan qof oo ku dhimatay diyaarad Ruushka lahaa oo lagu soo riday gudaha Suuriya

Russian helicopter
Burburka diyaarada Ruushka ee dhacday oo gubanaya. Sawirka: Reuters.

Moscow-(Puntland Mirror) Shan Ruush ah ayaa ku dhimatay kadib markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo militariga lahaayeen ay ku burburtay waqooyiga dalka Suuriya, sida ay sheegeen Ruushka.

Diyaarada ayaa ku dhacday gobolka Idlib, waxayna siday saddex shaqaale ah iyo labo sarkaal, sida ay sheegtay wasaarada difaaca Ruushka.

Diyaarada ayaa kasoo noqotay marka ay dhacday gaarsiin caawimaad insaanimo  oo ay geysay deegaan u dhow magaalada Aleppo, sida Ruushka sheegay.

Ma cadda kooxda soo riday diyaarada, balse gobolka ay diyaarada ku dhacday waxaa ku xoog badan kooxaha mucaaradka ee isbahaysiga ah oo ay kamidyihiin kooxaha jihaadiyiinta ah.

Shilka ayaa noqonaya kii ugu weynaa oo hal mar ay ku dhintaan dad intaas gaaraya oo Ruush ah tan iyo markii Ruushka ay bilaabeen bishii September ee sanadkii hore faragalintooda gudaha dalka Suuriya oo ay ku taageerayaan dowlada Madaxweyne Bashar al-Assad.

Dhimashada maanta ka dhalatay diyaarada la soo riday ayaa ka dhigaysa 18 tirada guud ee Ruushka looga dilay gudaha Suuriya.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*