Ugu yaraan sideed qof oo ku dhimatay diyaarad milatari oo ku burburtay Afghanistan

helicopter
Diyaarada qumaatiga u kacda oo milatari. [Sawirka: Reuters]
Kabul-(Puntland Mirror) Diyaarada qumaatiga u kacda oo milatari ayaa ku burburtay gobolka waqooyiga Afghanistan kuyaala ee Baghlan, waxaana ku dhimatay sideed qof oo saarnaa, sida uu sheegay sarkaal.

Dawlat Waziri, oo ah afhayeenka wasaarada difaaca Afghanistan, ayaa sheegay maanta oo Axad ah in shan qof oo rakaab ahaa iyo saddex askari ay ku dhinteen.

Burburka ayaa ka dhacay degmada Dand Ghori iyadoo diyaarada ay agab gaarsiinaysay saldhig milatari. Waziri ayaa sheegay in diyaarada ay ku dhacday dhibaato farsamo.

Bayaan ay soo saareen, kooxda Talibaan ayaa sheegatay masuuliyada in ay soo rideen diyaarada, iyagoo sheegay in dagaalyahanada kooxda ay dhulka soo dhigeen.

Dagaalyahanada Talibaan ayaa kordhiyay weeraradooda ka dhanka ah ciidamada amaanka Afghanistan ee gobolka waqooyiga Baghlan iyo dariskiisa gobolka Kunduz.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*