Ciidamada milatariga Suudaan oo sheegay in ay xukunkii ka rideen madaxweyne Cumar Al-Bashiir

Cumar Al-Bashiir. [Sawir Hore]
Khartoum-(Puntland Mirror) Kadib ku dhawaad 30 sanno oo uu awooda heystay, madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa xilkii laga qaaday lana xiray, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhiga.

Isaga oo ka hadlayay taleefishinka dowladda, wasiirka gaashaandhiga Awad Ibn Ouf ayaa sheegay in ciidamadu go’aansadeen in ay maamulaan labo sanno oo kala guur ah oo ay ku xigto doorashooyin.

Waxa kale oo uu sheegay in saddex bilood oo xaalad deg-deg ah la dul dhigay dalka.

Banaanbaxyaasha kasoo horjeeda Al-Bashiir, kaasoo Suudaan maamulayay tan iyo 1989, ayaa dhowr bilood socday.

Awad Ibn Ouf ayaa sheegay in maamulkii la tuuray Al-Bashiirna lagu heyn doono goob amni ah.

Waxa uu sheegay in dastuurka Suudaan la joojiyay, xuduuda la xiray ilaa amar dambe sidoo kalena hawada la xiray muddo 24 saac ah.

Al-Bashiir ayaa waxaa dooneysay maxkamada dambiyada caalamiga ah ee ICC, taasoo ku eedaysay in uu dambiyo ka dhan ah aadanaha ka geystay gobolka galbeedka Suudaan kuyaala ee Daarfuur.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*