Nin Suuriyaan magangalyo raadis ah oo isku qarxiyay dalka Jarmalka

Qarax jarmalka
Gaariga gurmadka deg dega ah oo qaadaya dadka dhaawacmay. Sawirka: EPA.

Berlin-(Puntland Mirror) Nin Suuriyaan ah oo ku guul daraystay inuu helo magangalyo ayaa is-qarxiyay wuxuuna dhaawacay 12 qof.

Ninka oo qaraxa u adeegsaday boorsada dhabarka lagu qaato ayaa qaraxa ka geystay meel u dhow goob ay xaflad ka socotay magaalada Ansbach oo ku taala koonfurta dalka Jarmalka.

Wasaarada arrimaha gudaha Jarmalka ayaa sheegtay in ninka is-biimeeyay uu ahaa 27-sanno jir Suuriyaan ah kaasoo isku soo rakibay walxaha qarxa kadib markii loo diiday inuu galo xaflad muusik.

Dad gaaraya 2,500 oo qof ayaa laga badbaadshay goobta kadib qaraxa markuu dhacay.

Saddex qof oo dhaawaca kamid ah ayaa ku sugan xaalad caafimaad oo daran, sida ay sheegeen booliiska.

Haayadaha amaanka ayaa xiray bartmaha magaalada iyadoo khuburado ay isku-dayayaan in ay ogaadaan nooca qaraxa ninka is-qarxiyay uu adeegsaday.

Dalka Jarmalka ayaa bilihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay falal argagixisonimo, dhawaan ayay ahayd markii nin u dhashay dalka Iran uu magaalada Munich ku dilay koob dukaamaysi ugu yaraan sagaal qof.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*