Ugu yaraan 10 qof oo lagu dilay qarax isbiimayn ahaa oo ka dhacay banaanka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho

Syl hotel
Qaraxa maanta oo burburiyay dhismaha huteel Syl ee Muqdisho. Sawirka: Twitter.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay lagu qarxiyay albaabka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho maanta oo Talaado ah.

Qaraxa ayaa burbur u geystay huteelka Syl oo ku dhow xarunta madaxtooyada sida laga arkay sawiro lagu soo daabacay warbaahinta bulshada.

Warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho ayaa baahisay in xubno kamid ah golaha wasiirada oo ku sugnaa huteelka Syl ay ku jiraan kuwa dhaawacmay.

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay iyagu qaadeen weerarkaas, sida ay baahisay idaacada kooxdaas ee Andalus.

Al-Shabaab ayaa Muqdisho laga saaray sanadkii 2011-ka, balse maleeshiyada ayaa sii wada weeraro dhimasho leh oo ay ka geysanayso caasimada.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*