Soomaaliya oo noqotay dalka ugu musuqmaasuqa badan dunida

 

Soomaaliya oo noqotay dalka ugu musuqmaasuqa badan dunida. [Sawirka: Archive]
Soomaaliya oo noqotay dalka ugu musuqmaasuqa badan dunida. [Sawirka: Archive]
Berlin-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa noqotay dalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, sida ay muujinayso warbixin ay soo saartay haayada Transparency International maanta oo Arbaco ah.

Transparency ayaa warbixinteeda sanadlaha ah ka dhigtay dalka kuyaala Geeska Afrika dalka kowaad ee ugu musuqa badan ilaa iyo 176 wadan oo tusaale loo qaatay.

Dalka Koonfurta Sudaan ayaa galay kaalinta labaad, sida lagu sheegay warbixinta Transparency International.

Tusmaynta musuqmaausqa,taasoo ay daabacday haayada caalamiga ee Transparency International oo fadhigeedu yahay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa ku qiyaastay musuqa, laaluushka, xadida iyo lacagta canshuurta ah ee lala dhuunto, ee dalalka soo koraya, kharash gaaraya $1.26 trillion sanad walba.

Soomaaliya ayaan lahayn dowladda dhexe oo shaqaysa tan iyo markii awooda laga tuuray hoggaamiyihii mudada dheer talinayay Maxamed Siyaad Bare sanadkii 1991-dii. Dalka kuyaala Geeska Afrika ayaa bishii lasoo dhaafay qabtay doorasho baarlamaan, balse hanaanka doorashada ayaaa waxaa hareeyay qalalaase, musuqmaasuq, cod gadasho iyo muran qabiil.

About Shafei Osman Yusuf 19 Articles
A Puntland Mirror columnist focuses on issues related to social development. Shafei holds a bachelor of public administration from Puntland State University (PSU) and a bachelor of education from Islamic University in Uganda (IUIU). You can reach him on: shaafiyare2011@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*