Ugu yaraan 13 qof oo ku geeriyooday weerar ay Al-Shabaab ku qaaday huteel kuyaala Muqdisho

Gaariyaal burburay oo lagu arkayo goobta qaraxu ka dhacay ee afafka hore ee huteel Dayax. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Gaariyaal burburay oo lagu arkayo goobta qaraxu ka dhacay ee afafka hore ee huteel Dayax. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 13 qof ayaa ku geeriyooday weeraro maanta oo Arabaco ah ka dhacay huteel kuyaala caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo ay geysatay Al-Shabaab, sida uu sheegay sargaal booliis ah.

Weerarka kowaad ayaa ku bilowday qarax gaari oo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku dhufteen ganjeelka huteel Dayax kadibna waxaa gudaha huteelka galay dablay hubaysan.

“Ugu yaraan 13 qof oo ay kamidyihiin ciidamo iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay labo qarax oo ka dhacay huteelka. Tobonaan kalena waa ay ku dhaawacmeen,” Sidaa waxaa wakaalada wararka Reuters u sheegay Maxamed Axmed oo ah sargaal booliis.

Qaraxa labaad ayaa dhacay kadib markii baabuurta gurmadka deg dega ah iyo wariyeyaashu ay yimaadeen goobta, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan afar wariye, sida ay ku warantay wakaalada wararka AFP.

Sida ay kasoo xigatay Reuters, sargaalka booliiska ah ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay kordhayso,.

Huteelka la weeraray ee Dayax ayaa ah mid ay badanaa adeegsadaan saraakiisha dowladda iyo xildhibaanada.

Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas, sida ay ku sheegeen warbaahintooda ugu weyn ee Radio Andalus.

Bartamihii sanadkii 2011-ka, Al-Shabaab ayaa dibada looga tuuray Muqdisho, balse maleeshiyada ayaa qaadaysa weeraro dhimasho leh oo ka dhan ah saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo meelaha ay bulshadu isugu timaado sida huteelada iyo makhaayadaha.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*