Ilo-wareedka ayaa sheegay in Suldaanka ay si aan ku talo-gal ahayn ciidamo ku sugnaa bar-kantarool ay rasaas ugu fureen gaarigiisa kadib markii ay ka shakiyeen.
Suldaanka ayaa ku sii jeeday magaalada Badhan, sida ilo-wareedyadu ay intaas ku dareen.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo safar ku jooga magaalada Badhan ee gobolka sanaag ayaa ka tacsiyeeyay dilka Suldaan Xasan Cali Jibriil, sida lagu sheegay waraaq tacsi ah oo kasoo baxday xafiiskiisa.