Madaxweynaha Puntland oo Yuusuf Xaaji Nuur u magacaabay guddoomiyaha maxkamada sare ee Puntland

Yousuf Haji
Yuusuf Xaaji Nuur.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa magacaabay guddoomiyaha maxkamada sare ee dowlada Puntland.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay Yuusuf Xaaji Nuur guddoomiyaha cusub ee maxkamada sare ee dowlada Puntland, sida ku qoran digreeto kasoo baxday madaxtooyada Puntland oo warsidaha Puntland Mirror uu arkay.

Yuusuf Xaaji Nuur ayaa ah garsoore Soomaaliyeed oo xirfadle ah. Wuxuu dib ugu noqonayaa xilkiisii uu hayay sanadkii 2001, markaasoo gobolka uu wajahay colaad sokeeye oo u dhaxaysay madaxweynihii hore Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo kooxo mucaarad ahaa.

Bishii July kowdeedii ee sanadkii 2001-dii, ayaa Yuusuf Xaaji Nuur wuxuu iclaamiyay inuu yahay madaxweynaha kumeel gaarka ah  ee Puntland kadib markii uu dhamaaday wakhtigii Madaxweyne Yuusuf. Laakiin si kastoo ay ahaataba, Cabdulaahi Yuusuf waa uu diiday iclaamintii Yuusuf Xaaji, wuxuuna ku adkaystay inuu isagu yahay madaxweynaha saxda ah, taasoo gobolada Puntland u horseeday labo sanno oo dagaalo sokeeye ah.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa sidoo kale magacaabay afar xubnood oo katirsan maxkamada sare ee Puntland.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*